Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal lala beegsaday khawaarijta ka fuliyay Sh/Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ay deganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku maleegaayey  falal argagixiso ah.

Waxaa jira khasaare xooggan oo gaaray khawaarijta, gaar ahaan horjoogeyaal sare oo ku sugnaa halkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen.

Faahfaahin dheeraad ah ayaan idinla wadaagi doonaa saacadaha soo socda.