Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaanno ka mid ah Shabeelooyinka

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay deegaanno ka tirsan shabeelooyinka, kadib howlgal Qorsheysan oo Waaberigii Saakay ay kafuliyeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin kale.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada waa 9 tuulo hooostaga labadfa shabeelle.

  1. Basra
  2. Sapyo
  3. Baqdaad

4 . Beled Al Kariim

  1. Baldooska
  2. Alifoow
  3. Muryaley
  4. Daniga Balow
  5. Buula Xansholey

Waxayna dhammaantood ku teedsanyihiin Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Maleeshiyaadka Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.

Deegaanka Basra waa degaan Istiraatiiji ah oo isku xira gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Basra kulahaa Saldhig wayn oo ay kasoo abaabuli jireen dhagarta ay u maleegaan dadka Soomaaliyeed.