Ciidanka dowladda oo fashiliyay miinooyin iyo weerarro lala damacsanaa Waajid

iidanka Xoogga Dalka Soomaliyed gaar ahaan ururka 95-Aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ka hortagay weerar Khawaariijta ay doonaayeen in ay kusoo qaadaan degmadaas.

Ciidanka ayaa halkaasi ku  qabtey nin lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Maxamed (Cabdicasiis) oo ahaa sawir qaadihii Khawaariijta u qaabilsanaa  duubidda muuqaalada.

Dhinaca kale laamaha amaanka degmada Waajid ayaa fashiliyey qaraxyo miino ah oo maleeshiyaad ka tirsan Khawaariijta ay ku doonaayeen in ay ku waxteeleeyaan shacabka degmada.

Khawaariijta ayaa miinooyinkaasi ku aasay agagaarka garoonka diyaaradaha degmada halka mid kale ay dhigeen inta u dhaxeysa magaalada iyo garoonka.