Yaaq bari wayne- Ururka 161-aad ee Guutada 16’aad Komaandooska Danab ayaa si guul leh u fuliyay howlgallo amni xaqiijin iyo dib u hishiisiin bulshada dhexdeeda ah, kuwaas oo ka dhacay deegaanka Yaaqbariwayne.
Howlgalladan ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga shacabka, kala furfuridda kooxaha argagixisada ah iyo dhiirrigelinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Saraakiisha Ciidanka Danab oo kaashanaya madax dhaqameedka iyo hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa qaaday tallaabbo lagu xoojinayo dib u heshiisiinta iyo sidii loo yarayn lahaa khilaafaadka iyo khatarta amni ee deegaanka.
Intii uu socday howlgalka, ciidanka ayaa xaqiijiyay ammaanka goobaha muhiimka ah ee bulshada, iyadoo lagu wargeliyay shacabka muhiimadda ay leedahay iskaashiga amni iyo ka hortagga falalka argagixisada.
Ururka 161-aad ee Guutada 16’aad ee Komaandooska Danab ayaa sii wadi doona howlgallada amni xaqiijin iyo dib u hishiisiin, isagoo xooga saaraya sugidda nabadda iyo horumarinta bulshada Shabeellada hoose.

