Ciidanka Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay nin isku ekeysiiyay Dumar

Gaalkacyo – Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guulaystey soo qabashada Nin isku ekaysiiyay Dumar, kuna shaqeysan jirey muddo Magalooyinka Bosaso, Garowe ilaa Gaalkacyo kaasi oo lagu Magacabo Axmed Cali Shire 20 jir ah Dhadig ahaana la baxay Aniso Cali Shire.

Soo qabashada eedaysanahaan ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Galkacyo Labo Xidigle Axmed Jamac Xayir (Raad goob).