Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa xalay dilay labo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo suuqa xoolaha ee degmada Mahadaay ku aasay labo Miino oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Mahadaay G/le Suleymaan Cowsey ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ka warheleen dhagarta ay cadowgu maleegayaan, isla markaana ay degdeg uga howlgaleen, iyagoo ku guuleystay in labadii dhagarqabe ay goobta ku toogtaan.
Waxaa lasoo bandhigay meydka labadii dhagarqabe iyo mid kamid ah miinooyinkii ay suuqa xoolaha degmada Mahadaay ku aasayeen, halka tii kale ay qaraxday, waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartii ay Khawaarijtu u soo maleegeen shacabka reer Mahadaay.

