Ciidanka Booliiska oo toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka Booliiska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa saakay toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda

Dhagarqabahani ayaa qorsheynayay in uu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha ayey ciidamada amnigu ku dileen isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa maalmahan muqdisho ka waday howlgallo lagula dagaalamayo khawaarijta bulshada ku dhax dhuumaneyso si dhagartooda shacabka looga bad-baadiyo.