Ciidanka Boliiska oo xabsiga dhigay rag shalay jir dil u geystay qaar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda Turkish Airlines xilli ay hawada ku jirtay.

Taliiska Ciidanka Booliiska Soomaaliaya ayaa ka warbixiyay shaqaaqo shalay ka dhacday gudaha diyaarda.Turkish Airline xili ay hawada jirtay taa oo dhaxmartay dhalinyaro soomaaliyeed iyo mid kamid Shaqaalaha diyaarada Turkish Airline

Afhayeenka Ciidanka Booliska soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Somaaliya ay gacanta ku hayaan Shan qof oo loo xiray jirdil ay u geeysteen Muwaadin Turki ah oo shaqalaha diyaarada katirsanaa kaa oo dhawac ka soo gaaray isku dhacaasi,isagoona xusay in ciidamada Booliiska ay baaritaano ku hayaan ragasi loo soo xiray falkaasi, waxa una gacan kahadlaksi yimid kadib markii shaqalaha diyaarada Turkish Airline iyo Rakaabka  diyaarada uu muran soo kala dhaxgalay taa oo sababtay in uu gacan ka hadal dhaco