Ciidamo ka tirsan ilaalada Xeebaha Soomaaliya oo Tababar loo soo xiray

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Xildhibaan Saadam Maxamud Cabdi ayaa tababar usoo xiray Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed iyo Shaqaale ka tirsan Dekada Muqdisho.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa Amniga Dekadaha ( Port Security), Wasiirka ayaa kula dardaarmay Ciidanka iyo Shaqaalaha Tababarkan qaatay inay uga faa’iideeyaan saaxiibadoodii kale ee aan nasiibka uyeelan inay ka qayb galaan tababarka, isagoo ku booriyey in cilmiga ay barteen ay ku shaqeeyaan ugana faa’iideeyaan xaruumaha shaqada .