Ciidamo ka kala socda Gorgor iyo Harmacad ayaa gaaray magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, si ay qeyb uga noqdaan dadaalka lagu sugayo amniga halkaasi.
Ciidankaan ayaa ka magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxayna manta fariisimo waaweyn ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada Matabaan.
Xaaladda magaalada Matabaan ayaa degan, kadib markii shalay laga hor tegay weerar Al-Shabaab ay ku doonaayeen inay ku qabsadaan magaalada.