Ciidamo ka mid ah NISA oo fashiliyay qarax miino

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgala Jubbaland ayaa xalay fashiliyay qarax miino ay argagixisada Al-Shabaab albaabka ugu dhajiyeen mas’uul ka tirsan maamulka goboleedka Jubbaland.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay miinada ka furaan albaabka, ayada oo aan wax khasaare ah ka dhalan.

Ciidamada NISA, oo kaashanaya shacabka magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qaraxan miino, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.