Ciidamo isugu jira xooga dalka iyo daraawiishta koonfur galbeed soomaaliya oo gaaray degmada ceelberde gobolka bakool.

Ciidamo isugu jira xooga dalka iyo daraawiishta koonfur galbeed soomaaliya oo gaaray degmada ceelberde gobolka bakool.
Degmada Ceelberde Gobolka Bakool waxa ka socda diyaargarow cadowga argagaxisada alshabaab looga xureynayo deegaanada gobolka bakool oo 10 sano ka hor jid gooyo ku sameeyey.
Ceelbarde maanta waxa ku soo degey ciidamo dhowaan tababar uga soo dhamaaday magaalada baydhabo ee caasimada ku meelgaarka dowlad goboleedka koonfur galbeed oo aad u hubeysan kana yimid magaalada waajid waxay qeyb ka noqonayaan howgalka maleeshiyaadka shabaab looga sifeynayo gobolka.
Abaanduulaha ururka 175-aad guutada sagaalaad Maxamed Cali Xasan Maanay oo isaga iyo saraakiil ka tirsan guutada 9-aad qeybta 60-aad ciidanka xooga dalka ee gobolka bakool ciidamada soo dhoweeyey ayaa ka warbixiyey ciidamada ceelberde ku soo dhoweeyeen iyo sida ugu diyaar garoobeen ladagaalanka cadowga shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol ayaa soo dhoweyn iyo dardaaran u jeediyey ciidamada ku soo biirey ciidamadii horey uga sugnaa magaalada ceelbarde.