Ciidamo hab deegaan u abaabulan oo loo diyaarinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyaan koonfurta gobolka Mudug.

Tababarkan waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana ciidanka hab deegaanka u abaabulan lagu baray tababarka xirfado kala duwan oo ciidanka ku saabsan.

Geedi Qalabxoor, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayay ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii dhibaatada Al-Shabaab looga dulqaadi lahaa shacabka loogan sifeyn lahaa deegaanada Galmudug.