Ciidamada Xoogga oo la wareegay deegaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa gacanta ku Dhigay Deegaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

Ciidamada ayaa goobta ku dilay Horjoogihii Kooxda Khawaarijta u Qaabilsanaa Galgaduud kaas oo lagu Magacaabi jiray Ilkacase.