Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Midowga Afrika ee Ciidamada (AMISOM,ayaa ka qeybgalay Kulan laba maalmood ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho,isla markaana lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray dhinaca waxqabadka ciidamada iyo amniga Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay,Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa ,wakiilo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS), taliyayaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya,kuwa AMISOM,saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,saraakiil ka tirsan howlgalka UK iyo dhowr ka mid ah. la-hawlgalayaasha caalamiga ah.
Taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Amisom ayaa isku raacay in la dajiyo bartilmaameedyo ay ku midoobaan si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah mintidiinta,iyadoo sidoo kale isku afgartay in horay loo dhigo doorka ku aadan sugidda amniga.