Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgal ku dilay 17 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Gobolka Shabeellada Dhexe

Shabeellada Dhexe (Wargeyska Dalka) ;-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa xalay fuliyay Howlgal Cirka  ah oo ka dhacay Deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday Goob ay Khawaarijtu ka Abaabuli jireen falal Argagixiso, gaar ahaan Qaraxyada lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaana howlgalkaas lagu dilay 17 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada, sidoo kale waxaa Howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan Hubkii iyo Gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii wadaan Howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtiraayo Khawaarijta arxanka daran, si loo ilaaliyo Amniga, Xasilloonida, iyo Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed.