Muqdisho,(Wargeyska Dalka):-WAR-SAXAAFADEED
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daahfuray Hawlgal cusub oo loogu Magac daray “Hawlgalka Hillaac”, kaas oo ka socda Deegaanno ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka, oo Garab ka helaya Ciidamada AUSSOM ee Uganda iyo Saaxiibbada Caalamka, ayaa fulinaya Hawlgallo lagu burburinayo Saldhigyada Muhiimka u ah Khawaarijta, laguna jarayo Marinnada ay u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyadooda gurracan, si loo wiiqo awooddooda isla markaana loo sifeeyo Haraadiga Khawaarijta ee dhagarta ka soo maleega Deegaannadaas, iyadoo la xaqiijinayo Nabadda Shacabka iyo Amniga Goobaha wax-soo-saarka muhiimka u ah Dalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa Geesinimada iyo Naf-hurka Ciidanka Qaranka, kuwaas oo iyagoo gudanaya waajibka soonka go’aansaday in ay sii wadaan dadaalkooda lagu xoraynayo dalka argagixisada.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in “Hawlgalka Hillaac” uu sii socon doono ilaa laga ciribtiro Khawaarijta caqabadda ku ah Nabadda, Horumarka iyo Dowladnimada Soomaaliya.


