Ciidamada xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan ururka 7aad ee Guutada 18aad ayaa howgal qosheysan ku burburiyay fariisimo ay argagixisada ku lahaayeen Tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayeen fariisimo argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyinka Buulo Xaanshi, Ceelsaniini, iyo Buulo cadeey oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ciidamada ku bur buriyeen fariimada, isla markaana ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Dadka ku nool tuulooyinka ay ciidamada howlgallada ka sameeyeen ayaa si aad ah u soo dhaweeyay sida ay ciidamada xoogga uga dulqaadeen dhagarqabayaasha dhibaatada ku heysay.