Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaanno katirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay howlgallo ka dhan ah argagixisada waxaa ay ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo shalay gelinkii hore la wareegay degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad ayaa saaka howlgallo Amniga lagu xaqiijinaya ka wada degaannada, Mukaydheere, Shanlow, Dhaqaxow, Jameeco, Xawaadkeey iyo degaano kale, halkaas oo dhawaan laga saaray khawaarijta Al-Shabaab

Howlgallada oo ay hoggaaminayo Xildhibaan Ismaaciil Xaadoodle iyo sarakiil kale oo katirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga sififeeynaya argagixisada goobaha ay kaga dumaleysanayaan ee degaanda katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guud ahaan gobolada dalka ayaa waxaa ka soconayo baacsiga ciidamada geesiyasha qaranka ee ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-shabaab,waxana ciidamadu ay ka gareen howlgaladaasi guul la taaban,iyadoo cawaga  laga xoreeyay deenno badan oo katirsan gobolada dalka.