Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Bakool

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Moora Gaabey, oo 30km dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Xuddur, Xarunta Gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fadhiisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu dilay 15 xubnood, oo ay ku jiraan 3 horjoogayaal oo door ku lahaa falalka arxan-darrada ah ee lagu dhibaateyn jiray Shacabka Deegaannadaas.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan khatarta argagixisada, kuna xaqiijinayaan nabadda, Amniga, iyo Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo Nabadda iyo Xasilloonida guud ee Dalka.