Ciidamada xoogga Dalka oo howlgal ku dilay Xubna katirsan argagixisada Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen argagixisada

Ciidanka xoogga ayaa argagixisada ka dilay ku dhawaad 10 maleeshiyaad ah iyagoo bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha baada ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warabaahinta dowladda  Sida u sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada islamarkaasna shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.