Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku dilay 25-maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee Gor Gor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Bariire ayaa ku dilay ku dhawaad 25-maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan nabad-diidka Al-Shabaab.

Ciidamada oo si gaar ah howlgalka kaga fuliyay inta u dhexeeysa deegaanada Tawakal iyo Bariire, ayaa dagaal kooban oo halkaas ka dhacay waxay jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada.

Taliyaha ururka 4-aad Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor Dhamme Nageeye ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay argagixisada gaarsiiyeen khasaare xooggaan islamarkaasna ay ka dileen 25-maleeshiyaad iyo dhaawac intaasi ka badan.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ay ciidamada ka war heleen in tiro maleeshiyo ah isku uruursanayaan deegaanada weerarka lagu qaaday si ay dhagar ugu maleegaan shacabka Soomaaliyeed.