Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah argagixisada ka fuliyay gobolka Sh/hoose

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee Gorgor ayaa tuulooyin ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ka sameeyay howlgal qorsheeysan oo ay  ku baacsanayeen maleeshiyaadka AlShabaab, waxaana halkaas looga hortagay miinooyin ay argagixisadu ku aasayeen dhulka si shacabka ugu dhibaateeyaan.

Taliyaha Ururka 7-aad ee Gorgor G/le  Maxamed Sheikh oo howlgalkani hoggaaminayay ayay ciidamada si gaar ah kaga fuliyeen Tuulooyin ay ka mid yihiin Buushka, Idimow, cabdow dibiley.

Inta uu howlgalka socday ayay ciidamada cagta mariyeen fariisimo Al-Shabaab dadka ku baadi jireen, waxaana howlgalkani soo dhoweeyay shacabka ku dhaqan deegaanadaas.