Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Nabad sugidda Jubaland ayaa soo qabtay Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cabdi Mukhtaar oo magaciisa afgarashada ah ee kooxda looga dhex yaqaano uu ahaa Sakhraawi, ayaa lagu qabtay howlgallo balaaran oo ciidamadaan huwanta ah ay ka fuliyeen deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, waxayna ciidanku dileen 4-dhagarqabe oo ilaalo u ahaa Horjoogahaan la qabtay.

Ciidanka Qaranka ayaa cagta mariyey goobihii ay nabadiidku baada uga aruursa jireen dadka shacabka ah, waxayna saraakiishu warbaahinta Qaranka u sheegeen in howlgalkani uu qeyb ka yahay halgan bilowday oo lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab.