Ciidamada xoogga dalka oo gacanta ku dhigay degaanno hoos taga degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan

-Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoos yimaada magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Ceemooy. dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde.

Ciidanka xoogga ayaa sido kale gacanta ku dhigay doomo ay lahaayeen kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab oo ku xernaa wabiga shabeelle, kuwaasi oo argagaxisada ay u isticmaali jireen in ay ku qaataan saanadda, dhaawacyada iyo gurmadka, waxaana ay aheyd bar isku socod oo ay u adeegsadaan gobolada shabeelooyinka iyo gobolada dhaxe.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgalka sii wadayaan tan iyo inta laga xureynayo kooxaha argagaxisada ah deegaanada Hirshabeelle.