Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyay weerar argagixisada ku qaadeen Bariire iyo Awdheegle

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar gaadmo ahaa oo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saaka ku soo qaaday deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose.

Khawaarijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey weerarkaas ay soo qaadeen waxaana ay kaga carareen goobihii dagaalku ka dhacay meydad iyo dhaawacyada maleyshiyaad fara badan oo la soo qalday.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada hoose oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wali ciidanku sii baacsanayaan maleyshiyaadkii soo weeraray deegaanadaas.