Ciidamada Xoogga dalka oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-shabaab

Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad oo ay horkacayeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobalka Hiiraan, ayaa howlgallo ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay kula wareegeen degaannada kala ah Jaaburow, Ceelka baar, Wardhabeel iyo Degaano kale oo kuyaalla Galbeedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Maadeey iyo Taliye kuxigeenka Qeybta 27-aad ee Militirga Soomaaliya oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in degaanadaas ay kula wareegeen si nabadgelyo ah, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada kale ee Ciidamada Xoogga dalka ay ka wadaan degaano iyo degmooyin ka mid ah Gobolka Hiiraan, Isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.