Ciidamada xoogga dalka oo dagaal ku dilay 32-ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada  Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyed ee Danab iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa cagta mariyey difaacyo maleeshiyaadka aragagaxisada ah ee Al-shabaab ay ku lahaayeen tuulada Qaycad iyo deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay Khasaaro culus, waxayna ciidanka ay ku guuleysteen in ay khaarijiyaan 32- dhagar qabe oo ka tirsanaa cadowga argagixisada.

Taliyaha ciidanka daraawiishta maamulka Galmudug Jeneraal Maxamed Cali Nuur ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in maanta 32 xubnood oo horjoogayaal ay ku jiraan Khawaarijta ku dileen dagaallo culus oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

“ Dagaal fool ka fool ah ayaa loogu tagay, loogana saaray goobihii ay ku jiraan, cadowgana cagta lagu mariyay, hubkii, agabyadii iyo isgaarsiinti ay wateen looga furtay, amiirka, amariiradii ugu sareeyayna lagu dilay,” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Cali Nuur.

Ciidamada xoogga dalka ayaa hadda ku daba jira firxadka maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo baxsaday markii dagaalka looga adkaaday.