Ciidamada XDS iyo kuwa Deegaanka oo haatan la wareegay Magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta ka xoreeyey magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Magaalada Galcad waxaa muddo badanĀ  gacanta ku hayey Khawaarijta Al-shabaab oo dadka ku dhibaateen jiray,waxaana haatan ku jirtaa Gacanta Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo is garab sanaya.

Laamaha Amniga ayaa haatan xafadaha Galcad kawada baritaano amniga lagu xaqiijinayo.