Ciidamada NISA oo Hawlgal Qorshaysan ku dilay Dhagarqabe ka Tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):’Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa Howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta, kana mid ahaa Xubnaha u qaabilsanaa Miinooyinka Dhulka lagu aaso, kaas oo Muddo Dheer lagu raad-joogay.

Howlgalka oo si Taxaddar leh ay u fuliyeen Ciidanka, ayaa lagu dilay Dhagar-Qabahaasi, iyadoo laga soo furtay Qori nooca AK-47 ah.