Ciidamada Kumandowska Oo La Wareegay Deegaano Ay Joogeen- Al-Shabaab

Ciidamada Kumandowska Qaranka oo howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegay Tuulooyin ka tirsan gobolkaas oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen waxaa ka mid ah, Ceelka-baar, Biitaale, Gaaburow iyo deegaano kale, deegaanadan oo dadkii ku nool ay daadasheen abaaro ayaa deeqigii la gaarsiin lahaa waxaa hor istaagay argagixisada Al-Shabaab.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ahna guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda ee gobolka Hiiraan Abuukar Sheikh C/llaahi Maadeey ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh ee nabad-diidka uga dulqaadeen dadka shacabka ah dhibaatada ay ku hayeen, wuxuuna sidoo kale, tilmaamay in ay garab taagan yihiin cid kasta oo ku soo biirta la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka lagu wajahay argagixisada ee deegaanada galbeedka Baladweyne looga saaray ayaa waxaa qeyb ka ahaa dadka deegaanka oo is abaabulay qoryahana u qaatay sidii ay nabad-diidka ula dagaalami lahaayeen.