Ciidamada Israel ayaa burburiyay guri ay leeyihiin dad reer Falastiin ah oo ku yaala magaalada Sheikh Jarrah

Ciidamada Israa’iil ayaa burburiyay guri qoys Falastiini ah oo ku yaalla xaafadda Sheekh Jarrah ee la haysto ee Bariga Quddus, maalmo kaddib markii qoysku ay isku dayeen in ay joojiyaan burburinta iyaga oo ku hanjabay in ay qarxin doonaan guriga.

Qoyskan ayaa Aljazeera u sheegay in cutubyo ciidan ah oo aad u hubaysan ay soo galeen gurigoodii xili ay hurdayeen ayna weerareen xubno qoyskooda ka tirsan, iyaga oo xidhay lix ka mid ah oo uu ku jiro madaxa qoyska Maxamuud Salxiye.

Ugu yaraan 18 kale oo falastiiniyiin ah oo guriga ku sugnaa si ay ula midoobaan qoyska ayaa sidoo kale la xiray.