Ciidamada ilaalada Xeebaha Turkiga oo soo badbaadiyey Koox Tahriibayaal ah

Ankara- Ciidamada ilaaladda Xeebaha dalka Turkiga ayaa soo badbaadiyey Tahriibeyaal magangelyo Doon ah kuwaas oo Ciidamadda Giriigu sife sharci darro ah dib ugu soo celiyeen Xeebta Gobolka Izmir,tirada Dadka la soo badbaadiyey ayaa lagu sheegay 8 qof halka sidoo kale Maydkooda la helay laba qof oo kale.

Muhaajiriintan aan caadiga ahayn ayaa u sheegay kooxaha ilaalada xeebaha Turkiga in 11 tahriibayaal ah oo katiinadeysan oo aan haysan wax jaakadaha badbaadada ah ay ciidamada Giriiga ku tuureen badda kadib markii ay u gudbeen jasiirada Giriiga ee Sakiz (Chios),Muhaajiriinta oo sheegay in ay garaaceen ciidamada Giriiga ayaa la dhigay isbitaalada ku dhow dhow.

Turkiga iyo hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah u cambaareeyay dhaqanka sharci darrada ah ee Giriiga ee ah in uu dib u riixo dadka magangalyo doonka ah, iyaga oo sheegay in ay xadgudub ku tahay qiyamka bini’aadantinimo iyo shuruucda caalamiga ah iyada oo khatar gelinaysa nolosha muhaajiriinta nugul oo ay ku jiraan haweenka iyo carruurta