Ciidamada ilaalada xeebaha & markabka dagaalka Santa Maria F-181 oo wadajir u fuliyay tababar muhiim

Taliska ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliyeed iyo markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee howlgalka Midowga Yurub ee Atlaanta ayaa wadajir u fuliyey tababar kor loogu qaadayo fulinta sharciga Badda iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada Badda ,waxaana uu ka qabsoomay Biyaha Soomaaliya .

Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha deg degga ah , la dagaalanka Kalluumaysiga Sharci darada ah , ka hor tagga Burcad baddeeda iyo sugidda amniga marinada maraakiibta Ganacsiga Caalamiga ah.

Saddex Doonyood oo nooca hawlgalada ah iyo diyaarad Helicopter ah ayaa lagu fuliyey Tababarkan oo sidoo kale kor loogu qaadayey xirfadaha Saraakiisha ilaalada Xeebaha ee Boliiska Soomaaliyeed.