Ciidamo ku midoobay la dagaalanka Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Hiiraan ayaa howlgal ka dhan ah kooxdaasi ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo hoostaga gobolkaasi.
Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen maamulka Gobolka Hiiraan,kan degmada Baladweyn iyo ciidamo wadajir ah oo ka howlgla galbedka iyo koofurta , waxaa intii uu socday ay ciidamada isku ballaariyeen Deegano dhowr ah oo ay kamid yihiin Deeganka ceelka baar, Biitale Jaaburow iyo degano kale.
Gudomiyaha dagmada Balad weyne Mudane Cusmaan dhicisow dhubow ayaa ciidamadaasi ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadgelyada iyo la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ah ee weli ku harsan gobolka.
Gudomiyaha ayaa sheegay in deegaanadaasi ay gaareen ciidamada ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay In hey’adah sama falka iyo shrkadaha hormuud iyo dahabshiil in ay gurmad u sameyaan dadkaasi o la ildaran abaaro.