Ciidamada Galmudug oo miinooyin ka soo saaray deegaanno ka mid ah Mudug

Ciidamada miino-baarista Booliska iyo kuwa  Mileteriga ee ka howlgala gobolka Mudug,ayaa ku guulaystay in ay soo saaraan miinooyin ay argagixisadu ku aaseen fariisimihii ay ka carareen oo ku yiillay Bacaadweyn iyo Camaara.

Ciidamada ayaa soo saaray qiyaastii afar xabbo oo miino ah oo isugu jira kuwa laga hago remoteka iyo kuwa anti-taangiga waxaana welina socda baaritaan laga wadp  aagga Bacaadweyn iyo Camaara oo maalmihii la soo dhaafay dad shacab ah ay ka soo gaareen wax yeello ka dib markii kooxda argagixisada ay deegaanadaai ku aaseen qaraxyo.