Ciidamada Galmudug iyo dad shacab ah oo howlgallo ka sameeyay koonfurta Mudug

Ciidanka Daraawiishta Galmudug , NISA iyo kuwa degaanka ayaa maanta howlgallo ka dhan ah Malleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ka sameeyay degaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa howlgalkaan ka fuliyay degaannada Hareeri dheere, Cimaamad sameena Gowrac iyo meelo kale oo dhamaan ka tirsan Koonfurta Mudug.
Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaysay ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay inay Maleeshiyaadku banneeyeen goobo badan oo ay kaga dhuumaalaysan jireen Koonfurta Gobolka gobolka Mudug.