Ciidamada dowladda oo sameeyay howlgal lagu baadi goobayo Dad dilal ka geystay Shabeellah Hoose

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 64 aad guutada 7aad ee qeybta 12ka April ayaa howgal qorsheysan oo lagu baadi goobayo maleeshiyaad dil u geystay  laba qof oo shacab xoolaley ahaa  ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ciidamadu sigaar ah uga fuliyeen degaannada Baladul Amiin, Fulaay, Dudumaay iyo Awroobow halkaas oo lagu tuhmayo maleeshiyada dilka geysatay

Taliyaha ururka 64 aad guutada 7aad ee qeybta 12ka April dhame Cali Cabdulaahi Halac ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku jiraan howlgal iyo baaris lagu doonayo in sharciga lagu horkeeno dadkii falkan geystay.