Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gurmad u Fidiyay Shacabka ay Dhibaateeyeen Khawaarijta

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad u fidiyay Dad Shacab ah oo Cadowga Khawaarijta ah ay Qarax kula beegsadeen aagga Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, xilli gaariga ay la socdeen dadkaan musaafurka ah uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.

Khawaarijta ayaa Qarax miino   la beegsatay Dad Shacabka ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si degdeg ah u gurmaday, iyagoo dadkii dhaawacmay u soo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho.