Ciidamada DF oo gurmad u fidiyay Shacab ay gumaadeen Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad u fidiyay dad shacab ah oo cadowga Khawaarijta ah ay qarax kula beegsadeen aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, xilli gaariga ay la socdeen dadkaan musaafurka ah uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho.

Khawaarijta ayaa qaraxaan miino oo ay la beegsatay dadkan shacabka ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si degdeg ah u gurmaday, iyagoo dadkii dhaawacmay u soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho.