Ciidamada DANAB oo howlgal ka dhan ah argagixisada ka fuliyay deegaanka Leego

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa Howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaanka Leego, halkaas oo ay maleeshiyada Al-Shabaab dadka ku dhibaateynayeen.

Ujeedka Howlgalkaan ayaa ahaa burburinta goobo cadowga Argagixisada Al-shabaab ay kaga dhumaalaysan jireen deegaankaas oo ciidanka ay ka war heleen.

Shacabka deegaanka Leego ayaa argagixisada kala kulmi jiray barakicin iyo boob joogta ah,iyagoo soo dhoweeyay howlgalka ciribtirka maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ciidanka Xoogga soo qaadeen.