Ciidamada Danab iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubbada hoose+Sawirro

Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ayaa howlgal lagu baacsanayay maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Intii hawlgalku socday ayey ciidamadu waxay cagta mariyeen sida ay sheegeen Saraakiishii Hogaamineysay Ciidamada goobo ay ku dhumalaysanayeen Al-Shabaab oo ku taala Waraha Buur Qaylo.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaas nabad-diidka looga dilay afar maleeshiyo iyo dhaawaca lix xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, wuxuuna howlgalka yimid ka dib qeylo dhaan ka timid dadka deegaanka oo xoolo dhaqato u badan oo u adkeysan waayay dhibaatada argagixisada.