Ciidamada Booliska oo fashiliyay qarax lala damacsaa in lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay Qarax lala damacsanaa in Lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax Khawaarijtu doonayeen in ay ku dhibaateeyaan muwaadin Soomaaliyeed, afhayeenka booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in aysan cidna wax ku noqon qaraxa.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xiray Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu ku yiri qoraal.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta.