Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay nin dilay labo ruux

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug qeybta Puntland oo howlgalo ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigey Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer Ina caano boore kadib markii lagu eedeeyay inuu dillay labo Marxuum oo magacyadoodu kala yihiin Marxuum Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse

Mowliid Caano Boore oo in muddo ah ciidamada Booliska ay ku raadjoogeen ayaa waxaa mar sii horeysay isaga oo ka maqan gacanta laamaha Amniga xukun ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Mudug kadib markii lagu eedeeyay inuu ka mid yahay dadka ka ganacsan jiray maandooriyaha Khamriga.

Ugu dambeyntii, taliska ciidamada Booliska gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa wacad ku maray in ay si adag ula dagaalami doonaan dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.