Ciidamada Booliiska oo soo bandhigay rag ku eedeysan sumcad dil ciidan

Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay shan (5) eedeysane oo ku lug lahaa muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo si been abuur ah u muujinayay Askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaatoole ah.

Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalku ahaa jiliin si ula kac ah loo sameeyay, ujeedadiisuna ahayd sumcad-dil iyo marin habaabin ka dhan ah hay’adaha amniga, Shanta (5) eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana si degdeg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Boolisku wuxuu uga digayaa shacabka faafinta warar aan la hubin, si looga hortago dacaayado wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida shacabka, Cid kasta oo lagu helo abuurka, duubista ama faafinta muuqaallo noocan ah, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.