Ciidamada amniga Puntland oo gacanta ku dhigay rag ka ganacsanayay Khamri

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen magaalada Garowe waxay ku soo qabteen khamri fara badan iyo mid ka mid ah raggii ka ganacsanayay

Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal, ayaa sheegay in khamrigan oo gaaraya 60 dhalo, gaarigii siday iyo Raggii watay mid kamid ah, lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay xaafadaha magaalada Garoowe ee caasimada Dowlad gobaleedka Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud,  ayaa u mahadceliyay ciidammada howlgalada sameeyay ee gacanta ku soo dhigay maan-dooriyaha.

Waxaa uu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan cid walba oo lagu soo qabtay ka ganacsiga walxaha maanka dooriya, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada lagula dagaalamaya waxyaabaha Maanka dooriya.