Ciidamada Amniga oo soo gabagabeeyay hawlgal lagu sugayay amniga Caasimadda

Ciidamada Amniga ayaa soo gabagabeeyay hawlgal qaatay muddo 48 saac ah, kaas oo ay uga hortagayeen Malleeshiyaad abaabulan oo doonayay in ay xaalad Amni darro ka abuuraan Magaalada Muqdisho.

Malleeshiyaadkaan oo ku hubaysnaa hub culus ayaa galay xaafado ka tirsan Caasimadda ka dibna waxa ay weerarro ku qaadeen Ciidamada Booliska iyo dadka Shacabka ah iyaga oo adeegsanaya Hub culus.

Ciidamada Amniga ayaa si taxadar leh ula fal galay maleeshiyaadkaas oo ay soo abaabuliyeen Siyaaeiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed.

Intii uu socday hawlgalka waxa ay Ciidamada Amnigu hubka dhigis ku sameeyeen Maleeshiyaadkii Sharcidaradda ahaa waxaana hay’adaha Amniga iyo kuwa garsoorku bilaabeen Baaritaan rasmi ah iyada oo cadaaladda la hor gayndoono cidkasta oo ku lug yeelata fal danbiyaadkaan culus.

Dawladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalka nuucaan ah kuwa aan la aqbalikarin, ka baxsan sharciga kana jawaabaya dano cadaw oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana Dawladdu cadaynasaa in kaliya Ciidamada Amnigu ay yihiin cidda haysankarta hub sharci, wixii kasoo harana aan la qabalidoonin.

Dawladdu waxa ay adkaynaysaa in aan marna la aqbalidoonin Maleeshiyaad iyo hub sharcidarro ah cidkasta oo ku dhaqaaqda fal nuucaas ahna waxa ay la kulmidoontaa talaabo adag oo sharci ah.

Dawladda Federaalka ah waxa ay ugu digaysaa shaqsi iyo koox kasta oo ku hawlan falalka nuucaan ah in ay ka digtoonaato kana waantawdo.

Ugu danbayn, Dawladda Soomaaliya waxaa ay ugu mahadcelinaysaa Ciidamada Amniga ee gutay waajibaadkooda badbaadinta shacabka ee soo celinta amniga Caasimadda si waafaqsan sharciga, Sidoo kale dowladdu waxay u mahadcelineysaa Shacabka Soomaaliyeed taageeradooda joogtada ah, sidoo kale Dawladda waxa ay bogaadinaysaa doorka Beesha Calaamka guud ahaan, gaar ahaan arrimaha Amniga.