Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dad ku eedeysan dilka Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland

Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal ayaa shaaciyey in ay gacanta ku soo dhigeen ilaa afar qof oo saddex dumar ay yihiin, kuwaasi oo ku eedaysan dilka Cabdikaafi Cabdixaafid oo ahaa sarkaal ka tirsan Dowladda-hoose ee caasimadda Garoowe oo xalay halkaasi lagu dilay.

Ciidamada ayaa waxay saddexdan qof ku soo qabqabteen hawlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada gaar ahaan xaafadaha Garowe, kaas oo ay uga gol lahaayeen xaqiijinta amniga magaalada.

Saraakiisha amniga ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay adkeeyaan nabad-galyada iyo la dagaalanka kooxaha falalka ammaandari geysta.