Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay Kismaayo

Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa Hawlgallo ka sameeyay Xaafadaha kala duwan oo ka tirsan magaalada Kismaayo.

Sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Amniga, Ciidamada ayaa howlgalladan ku xaqiijinayay amniga, kaasi oo laga sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo, iyagoo baaritaan xooggan ku saarayay guryaha iyo gaadiidka dadweynaha.

Sida ay shegeen Sarakiisha Ammaanka Howlgaladan ayaa sii socon doona si looga hortago khataraha argagixisada Al-Shabaab iyo waxkasta oo amniga lid ku ah.