Ceeldheer(Wargeyska Dalka):-Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud wali ka aruurinaya meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee shalay halkaas lagu laayay.
Ciidanka xoogga ayaa shalay jab xooggan ku gaarsiiyey degmada Ceeldheer kooxda Khawaarijta ah oo isku dayday in ay ku soo qaado weerar arbushaad ah,kaas oo jawaab kulul ka bixiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi khawaarijta ayaa dagaalkan looga dilay in ka bdan 60 xubnood waxaana sidoo kale looga dhaawacay in ka badan 50 xubnood.
Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale Khawaarijta ka qabtay tiro maxaabiis ah,hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.